Askari 28-sano kahor lagu dilay Soomaaliya oo la xusay

Image
Baroor-diiqda waxaa qeyb ka ahayd taallo loo dhisay Gordon oo laga sameeyay isaga oo sita qori.

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo dhintay isaga oo samatabbixinayey shaqaale helikobtarro ah oo la soo riday Soomaaliya ayaa Isniintii shalay looga baroor-diiqay lagana xusay magaaladii uu ku dhashay.

Gary Gordon, oo ka soo jeeda magaalada Lincoln ee gobolka Maine, ayaa codsaday in loo oggolaado in uu ka ilaaliyo cutubyada la socdey helicopter -ka si uu uga hortago kooxihii rabshado ka waday Muqdisho 1993.

Isaga iyo askari kale ayaa halkaas ku dhintey. Duuliyihii badbaaday ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda lagu daah furayay xuska Bilad Sharafeedka.

Baroor-diiqda ayaa waxaa qeyb ka ahayd taallo loo dhisay Gordon oo laga sameeyay isaga oo haysata qori isla markaana dhex-taagan saldhig laguna xardhay magaciisa dhameystiran.

Gordon wuxuu qeyb ka ahaa guutada Delta Force si gaar ah wuxuu ugu fiicnaa shiishka ama toogashada meelaha fog. Waxaa doorkiisa filimkii 2001 ee "Black Hawk Down" ku metelay Nikolaj Coster-Waldau.

Dagaalkii Muqdisho ee 1993-dii waxaa ku dhimatay boqolaal Soomaali ah, laba kamid ah howlwadeenadda Qaramada Midoobay iyo 18 askari Ameerikaan ah kuwaasoo la wariyey in ujeedoodu uu ahaa soo qabashadda Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Sheekada Black Hawk Down ayaa la rumeysan yahay in ay si rasmiya bilaabatay markii Delta Force ay xirtay 20 Soomaali ah. Intii lagu guda jiray weerarka, diyaarad helicopter ah ayaa la soo riday, samatabbixiyeyaashana si gaadmo ah ayaa loo weeraray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM