Askari 28-sano kahor lagu dilay Soomaaliya oo la xusay

Image
Baroor-diiqda waxaa qeyb ka ahayd taallo loo dhisay Gordon oo laga sameeyay isaga oo sita qori.

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo dhintay isaga oo samatabbixinayey shaqaale helikobtarro ah oo la soo riday Soomaaliya ayaa Isniintii shalay looga baroor-diiqay lagana xusay magaaladii uu ku dhashay.

Gary Gordon, oo ka soo jeeda magaalada Lincoln ee gobolka Maine, ayaa codsaday in loo oggolaado in uu ka ilaaliyo cutubyada la socdey helicopter -ka si uu uga hortago kooxihii rabshado ka waday Muqdisho 1993.

Isaga iyo askari kale ayaa halkaas ku dhintey. Duuliyihii badbaaday ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda lagu daah furayay xuska Bilad Sharafeedka.

Baroor-diiqda ayaa waxaa qeyb ka ahayd taallo loo dhisay Gordon oo laga sameeyay isaga oo haysata qori isla markaana dhex-taagan saldhig laguna xardhay magaciisa dhameystiran.

Gordon wuxuu qeyb ka ahaa guutada Delta Force si gaar ah wuxuu ugu fiicnaa shiishka ama toogashada meelaha fog. Waxaa doorkiisa filimkii 2001 ee "Black Hawk Down" ku metelay Nikolaj Coster-Waldau.

Dagaalkii Muqdisho ee 1993-dii waxaa ku dhimatay boqolaal Soomaali ah, laba kamid ah howlwadeenadda Qaramada Midoobay iyo 18 askari Ameerikaan ah kuwaasoo la wariyey in ujeedoodu uu ahaa soo qabashadda Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Sheekada Black Hawk Down ayaa la rumeysan yahay in ay si rasmiya bilaabatay markii Delta Force ay xirtay 20 Soomaali ah. Intii lagu guda jiray weerarka, diyaarad helicopter ah ayaa la soo riday, samatabbixiyeyaashana si gaadmo ah ayaa loo weeraray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM