Askari Fashiliyay Shirqool lagu dili lahaa Saraakiil katirsan ciidanka dowladda Somalia

Image

BALADWEYNE, Somalia- Askari katirsan ciidanka xoogga dalka Somalia, ayaa faah faahin ka bixiyay shirqool ay maleegayeen kooxda Al Shabaab kaasoo ay doonayeen inay ku dilaan saraakiil sar sare oo katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed, ayaa kooxdaas doonaysay inay u adeegsato damaceeda ah dilka saraakiishaas, waxaana sida uu sheegay xiriir lasoo sameeyay xubno katirsan ururkaas.

“Wax yaabaha ay i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan u baahannahay ayaa tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahantahayna waan ku sameyneynaa,” Ayuu yiri Maxamed oo la hadlay warbaahinta.

Al Shabaab ayaa hadafkeeda ugu weynaa ahaa inay qarax ka fuliso xerada Lama-galaay oo ah saldhiga ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21aad.

Saraakiil ay kamid yihiin Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, ayay rabeen inay weerarkaas ku dilaan sida uu sheegayo Maxamed Cali Xasan.

“Markii aan ogaaday inay nimanka shirqool doonayaan, waxaan ogaysiiyay sarkaal katirsan ciidanka, waxaana kala sheekaystay inuu arrintan igala shaqeeyo qaabkii aan usoo qaban lahayd raggan, sababtoo ah qofkii muraad kasoo yeesha isana waa laga muraad yeeshaa, arrintaasna taliyaha wuu iga gacansiiyay,” Ayuu yiri Askarigan.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu yiri,” Qofka aan taleefonka kula hadlay wuxuu uu igu yiri in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan.‘’

Askarigan ayaa lagu abaal mariyay lacag, waxaana loo ballan qaaday in la dallacsiin doono, sida uu sheegay taliye gobolka Banaadir Towane.

Tallaabadan ayaa timid xilli kooxda Al Shabaab weeraradeeda u weeciyeen qaraxyo iyo dilal qarsoodi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM