Askari la diriray burcad-badeeda Soomaaliya oo xukun lagu ridday

Image

TORONTO, Canada – Darawal ka tirsanaa ciidamadda badda Canada ayaa sheegay in naxdin uu ka qaadey la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ay sabab u tahay in uu qabatimo fal-dambiyeedyadda, sidda ay qortay saxaafadda.

Spencer Sebastiampillai oo 46-jir ah ayaa hadalkaas ka sheegay maxkamad ku taala gobolka Ontario halkaasoo uu kasoo muuqdey isagoo ku eedeysan dhac uu ka geystay bangi maxlai ah sanadkii hore ee 2019-kii.

Sidda ay warisay saxaafadda Canada, eedeysanaha ayaa mudadii u dhaxeysay 2000 illaa 2001-dii wuxuu qeyb ka ahaa howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida ah.

Qareenkiisa Terrance Luscombe oo si lamid ah tibaaxay in kalyeentigiisa uu si lamid ah kasoo qeyb-qaatay musiibada diyaaradii Swiss Air ee 1998-dii ayaa xusay in uu wajahay shufta badeed aad u hubeysan.

"Wuxuu ka qeyb-qaatay daad-gureynta burburka diyaaradda Swiss Air halkaasoo ay ku geeriyoodeen 229 rakaab iyo shaqaalaheeda, wuxuuna ka qaadey naxdin badan," ayuu u sheegay xeer-beegtadda.

Iyaddoo aqbashay dhamaan dhibaatooyinka uu la kulma eedeysanaha, garsooraha maxkamadda haweenayda lagu magacaabo Colette Good ayaa ku xukuntay muddo afar sano oo xabsi ku hayn ah.

"Xataa hadii aadan hub waddan, in aad dhac u geysato bangi waa fal-dambiyeed khatar ah," ayay ku dartay, iyaddoo hoosta ka xariiqay in shaqaalaha bangiga ay saacadihii weerarka socday ay walwaleen.

Bishii November 21-keeda, sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii xukunsaha uu ku kacay falkaas. Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon waxay tusiyeen isagoo xiran ookiyaale oo shan kun Doolar u waydiinaya shaqalaha Bangiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM