AU-da oo ka hadashay duulaankii Al-Shabaab ee Ceel Baraf

Image
Weerarkan waa kii ugu khasaaraha badnaa ee gaaray ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2016-dii.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa war ka soo saaray weerarkii xooganaa ee kooxda Al-Shabaab shalay kula wareegtay saldhig ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Moussa Faki Mahamat oo khadka tilifoonka kula xiriiray madaxweynaha dalka Burundi General Neva ayaa si adag u canbaareeyay weerarkan, wuxuuna madaxweynaha uga tacsiyadeeyay askarta looga dilay dagaalka, isagoo kuwa dhaawaca ahna Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Kooxda Al-Shabaab oo qaadatay mas'uuliyadda weerarka ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay "sawirada khasaaraha ay weerarkan ku gaarsiisay ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS".

Maleyshiyadda ayaa sheegtay in 173 askari ah ku dishay, sarkaal sare oo Burundi ah ayaa isagana u sheegay wakaalada wararka AFP in 30 askari looga dilay weerarka.

Sidoo kale qof kamida dadka deegaanka oo sababo ammaan uga gaabsadey adeegsiga magaciisa ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay meydadka 14 askari oo Burundi ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee gaaray ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya marka laga reebo weerarkii sanadkii 2016 Shabaab ay ku galeen deegaanka Ceel Cade oo saldhig ay ku lahaayeen ciidanka Kenya, halkaasoo lagu dilay inta ka badan 200 oo askari, halka Shabaab ay nolosha ku qabteen 11 askari oo Kenyan ah.

Soomaaliya ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimo ee dalka ka dib markii ay si guul ah u soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM