Axmed Macallin Fiqi oo u sharaxan maamulka gobollada dhexe

Image

December 21, 2014 (GO)- Xili uu jiro khilaaf ka dhashay  dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya  ayaa waxaa soo kordheysa tirada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaas.

Taliyihii hore  ee nabad sugidda  Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta u waramay Radio Garowe  ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka gobolada dhexe.

Ujeedada uu isu soo sharaxay wuxuu ku sheegay inay tahay maadaama uu yahay nin waayo aragnimo iyo aqoon ku filan u leh maamulka iyo siyaasadda ayna ka go'an tahay in gobollaa dhexe la horumariyo.

Mar wax laga waydiiyay hadii xilkan uu ku guuleysto waxyaabaha uu qaban doono, wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono sugidda amaanka, la dagaalanka Al-shabaab, dib u heshiisiinta beelaha gobolka iyo kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha. 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Caawale Qaybdiid ayaa horay u shaaciyey inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM