Axmed Madoobe: Dowladda Somalia ha qanciso Maamulada

Image

KISMAAYO, Somaaliya - Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka dowladda & Maamulada KISMAAYO, Somaaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe), ayaa ka hadlay khilaafka soo ifbaxay ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Somaaliya iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Axmed Madobe, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ahayd inay maamulada ku qanciso, kana talo-geliso go'aankii dhex-dhexaadnimada ay ka qaadatey bishii June Khilaafka Khaliijka.

"Khaliijka waa dad walaalaheena, Xukuumadda Federaalka hadii ay aragti qaadatey, waxay mudan tahay inay la tashada Maamullada, oo ay ku qanciyo, waxa dalka maslaxadiisu ku jirto," ayuu yiri Axmed Madobe.

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha Jubbaland in Xukuumadda looga fadhiyo inay la fariisato Madaxda qanciso maamullada, maadaama ay tahay Hay'adda mas'uulka ka ah Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

"Waalidka sida uu ilmihiisa uu ula dhaqmo, ayay iyaguna ula dhaqmaan, Xukuumadda iyada ayay Mas'uuliyadda saaran tahay, oo wixii qaldama lagula xisaabtamayaa," ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madobe.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Madobe ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu Gogol u fidinayo Kismaayo Dowladda Dhexe iyo maamullada Federaalka, si looga wada-hadlo Khilaafka taagan, ee la xiriira arrimaha Khaliijka Carabta.

Hadalka Axmed ayaa kusoo beegmaya, xilli Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ay la safteen Xulufada Sacuudiga hogaamiyo, ee xiriika u jaray Qadar 5-tii bishii June, ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM