Axmed Madobe oo la kulmay madax ka socotay AMISOM iyo UN-ka [SAWIRRO]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyadda Kismaayo madax ka socotay AMISOM iyo UN-ka.

Mas'uuliyiinta uu la shiray waxaa hogaaminaysay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira iyo Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya Lisa Filipetto.

Ugu horeyn, Axmed Madoobe iyo Francisco Madeira, ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ciidamada Nabad illaalinta Midowga Afrika, iyo Gulufka lagu wado in lagu qaado Al-Shabaab.

Labadda masuul ayaa kala dhageystay macmuulaadyo ku saabsan doorka ay AMISOM ka qaadan karto howlgaladaan la filayo inay ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda iyo kuwa kale ay ka fuliyaan gobolka.

Dhanka kale, kulanka dhex-maray Axmed Madoobe iyo madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya Lisa Filipetto, ayaa lagu faa'iqadday xaaladaha bani'aadanimo ee ka jira deegaanada Jubbaland.

Waxay isku raaceen labadda masuul inay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa dadka ku dhiman deegaanada Jubbaland, islamarkaana caawimaad deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Kulanka Madeira iyo Axmed Madoobe wuxuu yimid markii maamulka Jubbaland uu dhaliilo culus ujeediyay AMISOM, kadib shirkii dhawaan halkaas ka dhacay, kaasoo loogu sheegay inaan laga yeelayn inay iska joogaan xarumahooda ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM