Jubaland: Boob doorasho waxaa ka dhasha dhibaato

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Axmed Madoobe oo diirada saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah.

Dowladaha iyo Saxiibada tageera Soomaaliya ayuu uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan sidii dib loogu dhisi lahaa nabadgalyada iyo xasiloonida dalka balse.

Si gaar ah wuxuu farta ku fiiqay in ay jiraan dib u dhacyo joogta ah iyo isla xisaabtan la’aan gaar ahaan howlgalada AMISOM oo aan sidii la rabay loo fulin iyo dhismaha Ciidamada Qaranka oo aan waxba ka suurta galin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay kahor ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka in la helo hanaan amni oo damaanad qaadaya Nolosha dadka Shacabka ah taas oo aan ilaa hada muuqan.

Al-Shabaab ayuutibaaxay in ay dardar galinayaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan isla markana ay lacago baad ah ka qaadan dadka Shacabka ah taasna ay dhibaato dhaqaale oo Cusub dalka galisay.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka Doorashada ee Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay Doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay Doorashada ku qabanaynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay inay arintaas si dhab ah u qaadato isla markana ay Ciidamada iyo Maamulka ay halkaas gaysay ay kasoo saarto kuwaan wareejiso Dowlada Jubaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in ay Soomaaliya mudnaan gaar ah u leeyahiin Doorashooyinka iyagoo saamayn ku leh Hormarka dalka iyo xasiloonida wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in doorashada oo lagu shubto ama la boobo ay keenayso dhibaato aan kasoo kabasho lahayn.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Doorasho la isla ogolyahay oo la tashiga iyo dhagaysiga dadku ay udub dhexaad u yihiin si gaar ah Arimaha Gobolada waqooyi ayuu sheegay in ay muhiim tahay in dib loo eego iyadoo aan la iska Indho tiraynin dadka tabashooyinka qaba gaar ahaan Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mid kamid ah xilalka dalka ugu sareeya ku matala Gobolada waqooyi.

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xukuumada Federaalka ah inay qaadato doorka ay ku leedahay shaqada socota isla markana ay ka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd Doorasho loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM