Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Image

KISMAAYO — Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan ku khasbi karin dalka siyaasado iyo habraacyo uu isagu hore u diiday xilligii uu u tartamayay xilka madaxtinimada.

Isagoo ka hadlayay shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council) oo Khamiistii ka furmay magaalada Kismaayo, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkaasi uu ujeedkiisu yahay in laga doodo caqabadaha siyaasadeed ee guud ahaan dalka ka jira, isla markaana laga gaaro go’aanno u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Qofna maanta ma aqbali doono wixii Madaxweyne Xasan Sheekh shalay diiday,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. “Ma oggolaan doono in dalka la burburiyo.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in nidaamka maamulka dalka uusan ku dhisnaan karin hal qof oo kursiga ku dheggan, balse uu ku salaysnaado wadatashi, isla xisaabtan iyo mas’uuliyad wadaag.

“Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado,” ayuu yiri. “Khilaafka naga dhexeeya Madaxweyne Xasan wuxuu la xiriiraa kursi ku dhegganaan iyo kheyraad la isku koobay, taasna marnaba ma aqbali karno mana sharciyeyn karno.”

Hadallada Madaxweynaha Jubbaland ayaa imanaya xilli indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay si dhow ugu jeedaan natiijada shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee toddobaadkan ka furmay Kismaayo.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya siyaasiyiin waaweyn oo hore xilal uga soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul-wasaareyaashii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo hoggaamiyeyaal kale oo caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM