Axmed Madoobe: “Muqdisho Marti Kuma Nihin"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo xalay ka hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ujeeddada safarkiisu ay tahay ilaalinta jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo raadinta xal loo helo caqabadaha siyaasadeed ee taagan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa adkeeyay in isaga iyo wafdigiisu ay u joogaan caasimadda difaaca dowladnimada dalka iyo ka shaqeynta xal waara oo laga gaaro khilaafaadka jira ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka iyo kuwa dastuurka.

“Waxaan halkan u nimid inaan ilaalinno dowladnimada Soomaaliya oo aan xal u raadino caqabadaha jira; ma oggolaaneyno in la burburiyo,” ayuu yiri Madoobe isagoo la hadlayay taageerayaal iyo mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan joogitaankiisa caasimadda, isagoo yiri: “Muqdisho marti kuma nihin; hotel-keenna ayaan deggennahay.”

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo biiro xal-u-raadinta Mushkiladaha haysta Soomaaliya, si lamid ah markii uu garabka mucaaradka katirsanaa 2021, oo Villa Somalia joogay Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha Jubaland ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Gollaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowladnimo ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM