Axmed Madoobe oo Addis Ababa kula kulmay Abiy Axmed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee kamid ah maamullada dalka, oo la kulma Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo ay wehliyaan xubno katirsan Xukuumadiisa ayaa Addis Ababa wadahadal kula yeeshay Abiy Axmed, iyadoo aan wali fahfaahin laga bixin waxyaabaha ay labada dhinac kawada hadleen.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay Kulanka Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, oo kusoo beegmaya xilli isbedel uu ka dhacay bishii April dalka Itoobiya oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee xiriirka dhaw la leh dowladda Itoobiya, ayaa horey u waydiistay Addis Ababa inay ka gacan siiso la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo waqtiga xil-heyntiisa uu sii dhamaanayo, ayaa ku dagay Addis Ababa kadib markii uu safar qarsoodi ah oo uu ku tagey dalka Imaaraadka Todobaadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM