Axmed Madoobe oo bogaadiyey doorashadda Puntland

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa talaabadan ku sifeeyay "guul ay shacabka Puntland ka gaareen dhanka dimuqraadiyadda"

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyey doorashadda qof iyo cod ee ka qabsoontay sadex kamid ah degmooyinka Puntland.

Axmed Madoobe oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa talaabadan ku sifeeyay guul taariikhi ah oo Solmaaliga u soo hooyatay.

Sida laga soo xigtay Axmed Madoobe, doorashadan tooska ah ayaa sidoo kale waxay cashar u tahay maamulada kala ee dalka si ay awooda ugu celiyaan shacabka.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Talaabadan oo ah mid mudo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waxaa hada muuqata rajo weyn oo ah in meelaha duruufaha amniga iyo siyaasadu ay saamaxayaan laga qaban karo Doorashooyinka shacabku ay kusoo xulanayaan cida matalaysa".

"Waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Doorashooyinka dadweynaha waa fursad weyn oo shacabka loogu dhawaynayo awooda xukunka si ay usoo saaran hogaamiyayaasha ay ka dhex arkaan himilooyinkooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM