Axmed Madoobe oo Safar kedis ah ku tagey Baar-Sanguuni

Image

BAAR-SANGUUNI, Soomaaliya – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta gaarey deegaanka Baar-Sanguuni, ee duleedka Kismaayo, halkaasi oo tan iyo Jimcihii ay ka dhaceen labo weerar.

Wararka ayaa sheegaya ujeedka safarka Axmed Madoobe uu yahay inuu u kuurgalo xaaladda amni ee deegaan iyo inuu niyad-dhis u sameeyo Ciidanka ku sugan deegaanka ee la kulmay weerarada Al-Shabaab.

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Tuulada oo qiyaastii 45-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Al-shabaab ayaa xalay la wareegtay deegaanka, markii ay isaga baxeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo Jimcihii lasoo weeraray lagana dilay Askari American ah, 4 kalena looga dhaawacay.

Axmed Madoobe ayaa kulamo kula leh deegaanka Saraakiisha Ciidamada kala duwan, isagoo ku dhiiragelinaya inay ku sugnaadaan saldhigyadooda, oo aysan fursad u siinin Al-Shabaab markale inay la wareegto.

Maamulka Jubbaland ayaa tan iyo markii la dhisay 2013 awoodi waayay inuu Al-Shabaab ka saaro deegaanada ku teedsan magaalada Kismaayo, iyadoo uu taageero ka helayo Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Mareykanka iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM