Axmed Madoobe oo gaari siiyey ardey ku guuleystey tartan Qur'aan

Image

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa abaal marin ahaan gaari noociisu yahay (Toyota Crown) arday kaalinta koowaad ka galay tartan Qur’aan akhris ah oo ka dhacay magaalada  Kismaayo.

Ardeygaas oo lagu magacaabo Muscab Cabdirashiid Maxamed ayaa ku guuleystey tartanka soddonka juz ee Qur’aanka .

Nucmaan Cabdisamad ayaa isna galay kaalinka labaad ee tartanka Qur’aanka waxaana la gudoonsiiyay lacag dhan $1,000 (kun doollar).

Ardayda tartanka ka qeyb gashay waxay kala metelayeen malcaamadaha Qur’aanka ee ku yaal magaalada Kismaayo. 

Madaxweynaha Puntland ayaa isna shalay abaal-marino guddoonsiiyey ardeyda kaalimaha sare ka galay tartanka Qur'aan akhriska ee Puntland. Wiilka kaalinta koowaad galay oo metelayey degmada Ufeyn ee gobolka Bari. waxa la siiyey lacag dhan $3,000 (saddex kun oo doolar).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM