Axmed Madoobe oo ka hadlay doorasho ka dhacdey Afmadow

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray golaha Cusub ee deegaanka Degmada Afmadow oo doorashadooda maalmahan ay ka socotay halkaas isla markana maanta doortay Gudoomiyaha Degmada iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa uu Madaxweynahu amaanay dadaalka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Odayaasha dhaqanka ee howshan gacanta ku hayay iyo gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Doorasho xor iyo Xalaal ah u qabtay muwaadiniinta tartamayay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaarada iyo Gudiga Doorashooyinka oo kaashanaya dadka deegaanka ay hortaalo shaqo baaxad leh iyo dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka kale ee Jubaland taas oo wax badan la sugayay.

“ Dhamaan Degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hogaamin ay shacabku doorteen kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayntii Waxaa Madaxweynahu uu ilahay uga baryay Masuuliyiinta Cusub in uu shaqada ay Shacabka u qabanayaan uu la garab galo.

Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM