Axmed Madoobe oo ka hadlay doorasho ka dhacdey Afmadow

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray golaha Cusub ee deegaanka Degmada Afmadow oo doorashadooda maalmahan ay ka socotay halkaas isla markana maanta doortay Gudoomiyaha Degmada iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa uu Madaxweynahu amaanay dadaalka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Odayaasha dhaqanka ee howshan gacanta ku hayay iyo gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Doorasho xor iyo Xalaal ah u qabtay muwaadiniinta tartamayay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaarada iyo Gudiga Doorashooyinka oo kaashanaya dadka deegaanka ay hortaalo shaqo baaxad leh iyo dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka kale ee Jubaland taas oo wax badan la sugayay.

“ Dhamaan Degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hogaamin ay shacabku doorteen kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayntii Waxaa Madaxweynahu uu ilahay uga baryay Masuuliyiinta Cusub in uu shaqada ay Shacabka u qabanayaan uu la garab galo.

Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM