Axmed Madoobe oo ka qayb galaya furitaan garoonka Bosaso

Image

06 January, 2016(GO)-Warar aan ka helayno saraakiil ka agdhow Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegaya inuu ka qayb gali doono furitaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ee loo ballansanyahay 08 January.

Xogta ayaa tibaaxaysa safarka uu ku joogo Cadaado kadib inuu aadi doono dhinaca Puntland si uu qayb uga noqdo wufuudda kala duwan ee ku sugan magalada Bosaso iyo kuwa kale ee dhawaan imaan doona.

Xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa xaddiga mas'uuliyiinta iyo shacabka tagay magalada kuwaas oo doonaya inay ka qayb noqdaan xaflad lagu furayo garoonkii ugu horraysay ee caalami ah oo Puntland yeelato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM