Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabiley Madeira

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka Jubaland.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga.

AMISOM ayaa booliskeeda waxay ka taageerayaan dowladda Soomaaliya sugida amaanka doorashooyinka dalka, waxaana la geeyay Gobolada marka laga reebao Puntland.

Jubaland ayaa isku diyaarinaysa inay billowdo doorashadda, waxaana wali aan xal laga gaarin arinta Gedo, oo la filayay inuu Madaxweynaha magacaabo gudoomiyaha iyo ku xigeenka Garbahaarey, halkaasoo 16 kursi lagu dooran doono.

Jubaland ayaa kamid ah meelaha cabqadaha doorashada ka jiraan, oo keenay dib u dhacyada, maadaama labada degaan doorasho ee loo qoondeeyay midkooda aan heshiis lagu ahayn, taasoo ah Garbahaarey.

Puntland, HirShabeelle iyo Jubaland ayaan wali billaabin doorashada Aqalka Hoose, iyadoo ay soo baxayaan caqabado cusub oo keeni kara dib u dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM