Axmed Madoobe oo Kulamo gaar ah kawada Brussels [Sawirro]

Image
Image
Image

BRUSSELS - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar ah kawada magaalada Brussels halkaasi oo shalay uu ka furmay shirka arrimaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda ayaa maanta kulan la qaatey Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, kuwaasi oo ay kawada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw- Xersi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan maamulka Jubbaland, ayaa ka qeybgalay kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Saraakiisha dowladda Mareykanka.

Arrimaha sida gaarka ah ay uga wadahadleen labada dhinac ayaa waxaa kamid ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaanada Jubbaland, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidmada u dhashay dalka Mareykanka.

Horaantii bishii June ee lasoo dhaafay, Askari Ciidamada Mareynkanka katirsanaa, oo lagu magacaabi jiray Alexander Conrad, 26 jir ahaa ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ay ku qaadey saldhi ay ku leeyihiin degaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka dhanka amaanka ka taageera dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, oo ay tababar iyo agab u siiyaan ciidamadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM