Axmed Madoobe oo lagu waddo in uu booqdo gobolka Gedo

Image
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji [Macalimu] iyo siyaasiyin kale ayaa la hadlay saxaafada.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu waramay in uu qorsheynayo socdaal taariikhi ah oo uu ku tago gobolka Gedo kahor qabashada doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji [Macalimu] oo hada kamid ah siyaasiyiinta taageersan Axmed Madoobe ayaa shaaciyey safarka hase ahaatee wuxuusan soo bandhigin waqtiga uu ku beegan yahay.

Sida laga soo xigtay Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay.

"Gedo waxa ay ka tirsan tahay Jubbaland waxaan maamula Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam cid mas’uuliyiinta Jubbaland Gedo ka celin karto ma jirto," ayuu ka dhawaajiyey siyaasi Macalimuu.

Wuxuu ku daray: "Nin diidan iyo nin ogolaada isaga ayaa Madaxweyne u ah, marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay, waxaa nagula leexiyay wax sharci darro ah, wixii aan ku shaqeynayay wax sax ah ma aheyn".

Dhawaqa ku saabsan in aysan jirin cid mas'uuliyiinta Jubaland ka hor-istaagi doonta in ay tagaan Gedo wuxuu jawaab u yahay hadal kasoo yeeray saraakiisha taabacsan Villa Soomaaliya ee ku sugan gobolkaas.

Macalimuu oo xiganaya is-fahamka madaxda golaha wadatshiga qaranka iyo hadalka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa ku nuux-nuux-sadey in ay "dhamaatay in dadka lagu khiyaamo been iyo wax aanan jirin".

"Axmed Maxamed Islaam ayaa imaanaya [gobolka Gedo] oo raba in uu gobolkiisii indha-indheeyo. Ciddii diideysa oo iska celin karto markaas ha iska celiso. Laakiin afka waa laga sheegi karaa ma imaanayaa raggaas" ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Rooble ayuu ku tartarsiiyey in uu si gaar ah isha haayo xaalada gobolka Gedo illaa ay ka dhaceyso doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo gobolka uu ku leeyahay 16 kursi kuwaasoo Villa Soomaaliya dooneyso.

"Waxaa laga yaabaa in aad meelaha la maqashaan Jubaland loo-dhan-yahay ayaan raadinaynaa, Jubaland waa loo dhan-yahay qof sidaas dhahaya haddii aad aragtaan waa mid gedaal ka yimid meelahaas haka dhisto Jubaland loo dhan yahay," ayuu kusoo xiray.

Gobolka Gedo oo maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ka abuuray xaalad colaadeed kuna daabulay ciidamo laga qaadey Muqdisho ayaa kamid ahaa sababaha ay u daahdey doorashada heer federaal ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM