Axmed Madoobe oo magacaabay xilal cusub [Akhriso]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta oo Talaado ah magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulkiisa.

Labo Digreeto oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay magacaabista xilalkan, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo maamulka Jubbaland uu yeesho Xeer Ilaaliye iyo Maxkamadda sare tan iyo aas-aaskiisa 2013.

Axmed Madoobe ayaa Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi u magacaabay Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda sare, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland loo magacaabay Maxamed Sheekh Cismaan Saciid.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay Baarlamaanka Jubbaland Xasaanadii ka qaadey Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan, kadib markii lagu eedeeyay inuu abaabulayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan ka akhri.

Hogaanka Jubbaland ayaa lagu dhaliilay inuu ku fashilmay in Al Shabaab uu ka saaro gobolladii maamulkaasi oo intiisa badan ay maamusho Al Shabaab, iyadoo ciidamada maamulkaasi ay ka gudbi la'yihiin tan iyo 2012 magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM