Axmed Madoobe oo Muqdishu u dhoofay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa goor dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kismayo isagoo ku wajahan magalada Muqdishu oo ka furmayo shir looga hadlayo arrimaha doorashada Somalia ee 2016.

Axmed Maxamed Islaam ayaa safarkiisa waxaa ku wehelinaya xubno ka tirsan maamulkaasi oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano.

Wufuud ka socota maamullada Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug ayaa iyaguna la qorsheynayaa inay tagaan magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM