Axmed Madoobe oo saaxiibo ay kala irdhoobeen xilal u dhiibay

Image
Magacaabidan ayaa kusoo beegmaysa xilli Jubaland ay isku-diyaarineyso guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

KISMAAYO, Jubaland - Markii magaalada Kismaayo la qabanayay sanadkii 2012-kii, waxaa lagu qabtay saf balaaran oo isugu jira ciidamada Raaskaanbooni oo uu hoggaaminayay Axmed Madoobe, ciidamadii militariga ee xeryaha Kenya lagu tababaray ee taabacsanaa Prof Gaandi iyo ciidamada Kenya.

Kadib hardan dhanka hoggaanka ah, waxa ay guusha raacday Axmed Madoobe oo noqday hoggaamiyaha Jubbaland, waxaana meesha ka baxay hoggaamiyeyaashii halgankii dheeraa iyo dagaalka usoo galay Kismaayo.

Waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka militariga ee qeybta ka ahaa qabashadii Kismaayo iyo deegaanada kale Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, iyo sarkaal sare Cabdullaahi Qaldaan, kuwaas oo inkasta oo ay xilal ka qabteen Jubbaland-ta Axmed Madoobe, haddane aanan ku waarin xilalkaasi, muddo dheerna banaan joog ahaa.

Maalinkii Isniintii ayuu Axmed Madoobe digreetooyin is dabajoog ah taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ugu magacaabay Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, halka Cabdullaahi Qaldaan u magacaabay taliyaha booliiska.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale isbadel ku sameeyay maamulka gobolka Jubbada Hoose oo uu ka qaaday Cabdirishiid Gooni oo muddo gooni-u-socod ka ahaa maamulka, iyo sidoo kale degmada Kismaayo oo uu xilkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii mudada dheeraa Cabdirishiid Maduuloow. Waxa uu sidoo kale isbadel ku sameeyay hay’adda qaxootiga iyo barokacayaasha.

Axmed ayaa la sheegay in isbadelan u sameeyay in uu dheelitir u sameeyo dhanka awood qeybsiga beelaha xilli la wajahayo dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada oo ay ka maqanyihiin xubno muhiim ah oo qaarkood loo doortay xildhibaano federal, noqdayna wasiiro federal ah. Xilalka banaan waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha oo uu ka dhintay Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM