Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shirka Gollaha Wasiiradda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Gollaha Wasiirada oo ka dhacay Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Wasiiradda uga warbixiyay qodoabadii kasoo baxay Shirkii Gollaha Amniga ee lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo lagu saxiixay heshiis dhanka qeybsiga Khayraadka Kalluunka.

Dhinaca kale, Shirka Gollaha waxaa lagu meel mariyay Magacaabida Madaxweynaha ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Jubbaland.

Magabaacista labada mas’uul ayaa lagu soo beegay xilli xiisad siyaasadeed ay ka jirto Kismaayo, oo maamulka Axmed Madoobe xabsiga dhigay Xildhibaan Axmed Taajir, oo kamid ah Koox Xildhibaano ah oo mooshin ka diyaariyay Gollaha Wasiiradda Jubbaland.

Axmed Taajir ayaa xasaanadda laga qaaday maalmo kahor inta aan la xirin, iyadoo markii lasoo daayayna uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka uu ku matalayay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanada Mooshinka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Axmed Madoobe wax qabad la'aan, musuq, nin jeclaysi iyo inay ka fashilantay xureynta deegaanada maamulkaasi, oo intiisa badan ay gacanta ku hayso Al Shabaab.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Gollaha uga warbixiyay xaaladda deeganada Jubbaland iyo sidii Kooxda Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay maamusho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM