Axmed Madoobe oo u duuley Brussels xilli khilaaf kala dhaxeeyo DFS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Belgium halkaasi oo maalinta berri ah ka furmi doono shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Gollahiisa wasiiradda ayaa waxay ku biiri donaan hogaamiyaasha kale ee maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo qaarkood xalay gaarey magaalada Brussels.

Shirka "Somalia Partnership Forum" ayaa looga hadli doonaa Qorshaha Amniga Qaranka, Bixitaanka ciidamadda AMISOM 2020, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo waa wayn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hogaamiye-yaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka,Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnno kale oo heer sare ayaa xalay gaaray Belgium.

Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Puntland iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhankooda shalay kasoo baxay Garoowe, iyagoo ku wajahan magaalada Brussels.

Shirkaan oo loo balansan yahay inuu furmo 16-17 bishaan July ayaa waxaa la filayaa in gaba gabadda laga soo saaro War-murtiyeed ay ku cad-yihiin waxybaaha ay isla meel-dhigeen dhinacyadda ka qeybgalaya.

Safarka Axmed Madoobe ugu amba-baxay dalka Belgium ayaa kusoo beegmayaa iyadoo xiisaddi ka dhalatay Taliye ay dowladda usoo magacowday Taliska ciidamadda xooga dalka Jubbaland loo diiday inuu ka dego Kismaaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM