Axmed Madoobe oo warbixin siiyey Wasiiradda Jubaland

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Shirka Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Shir gudoominayey Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomey hoolka madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha uga warbixiyey Shirarkii Garowe ee xalka loogu raadinayey xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka oo meel xasaasi ah xiligan maraya iyo sidookale kulamadii uu madaxweynuhu la qaatey Midowga Musharaxiinta iyo ka qeybgalkiisii Shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen waqti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxdey.

Warbixinta Madaxweynaha kadib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey Xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas akhrintooda kadib todobaadka danbe golaha lagaga doodi doono.

Xeerarka ay wasaaradu soo gudbisey waxaa kamid ah :

1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.
2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada Jubbaland

Sidoo kale wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubbaland ayaa golaha u soo gudbisey nuqulada Sharciga Isgaarsiinta ee Dowlada Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM