Axmed Madoobe oo xilal u dhiibey saraakiil xukuumaddiisa mucaarad ku ahaa

Image

August 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland ee waqtigiisu sii dhammaanayo Mudane Axmed Madoobe ayaa xilal u dhibey labo sarkaal oo horay mucaarad ugu ahaa xukuumaddiisa.

Labadan nin oo kasoo jeeda gobolka Gedo waxaa lagu kala magacaabaa Col. Cabbaas Ibraahim Gurey iyo Cabdulaahi Cismaan (Cabdullaahi Yare).

Col. Cabbaas waxaa loo magacaabay taliyaha guutada ciidamada amniga Jubaland ee gobolka Gedo halka Cabdullaahi Yarena loo magacaabay ku-xigeenkiisa.

Magacaabista labadan sarkaal ayaa kusoo aadeysa xilli muddo todobaad ka yari ka harsan tahay waqtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM