Axmed Madoobe: Waddanka waxaa mas'uul ka ah Rooble

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa ku baaqay in shaqadiisa loo madax-banaaneeyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Talaadada maanta ah wuxuu khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda Jubaland.

Kulankan oo ku qabsoomay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada  gole ee Dowlada odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa diirada ku saaray khudbadan dhinacyada siyaasada, amaanka,  masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.

Isaga oo si aan toos ahayn uga hadlaya sheegashada ah maamulada ay shirkii dib-u-dhacay ee Garowe ay ku awood-siiyeen warqadii hakinta awoodaha, Axmed Madoobe ayaa xusay in ay wali garab taagan yihiin Rooble.

"Ra’iisul Wasaaroow masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin," ayuu yiri.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa si dadban wuxuu uga hor-yimid faragelin la sheegay in Madaxtooyada ay wali ku hayso awoodaha wasiirka koowaad wuxuuna cod dheer ku dalbadey in meesha laga saaro.

"Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay. Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay si muuqaal ah uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in haweenaydan ka tirsaneyd hay'ada sirdoonka qaranka ay cadaalad hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM