​Baabuur Qarax siday oo Muqdishu lagu fashiliyay

Image

Ciidamada ammaanka magalada Muqdishu, ayaa gacanta ku dhigay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana lagu qabtay isagoo la dhigay islamarkaana looga tagay  isgoyska Sayidka.

Saraakiisha amniga Xamar, ayaa ku waramay inay heleen xogta gaarigaasi oo laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxayna intaasi raaciyeen in loogu tala galay waxyeellaynta shacbiga Somaliyeed jidkaasi istcmaala.

"Gaarigan waxaa la dhigay wadada dhinaceeda, waxaa lagasoo buuxiyay alaadaha qarxa oo qaybtood qatar tahay, waxaana loogu tala galay in lagu waxyeelleeyo shacbiga Somaliyee, balse ILAAHAY mahaddii waan ka guulaysannay caddowga UGUS,"Ayuu yiri sarkaal katirsan ciidamada Boliiska Somalia.

Maaha markii ugu horraysay gaari caynkan lagu qabto magalada Muqdishu, waxaana falalkaasi ku caan ah ururka Shabaab ee dagaalka kula jiro dowladda Federalka iyo xulafadooda.

Balse, waxaa lagu soo beegay kadib markii shalay lix ruux lagu dilay qarax ka dhacay xarunta ciidamada ilaalada waddooyinka Somalia ee loo yaqaan Taraafikada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM