Baaq horleh oo laga soo saarey qalalaasaha Koonfur Galbeed

Image
Is-maan-dhaafkan ayaa salka ku haya muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa si wadajir ah u taageerey qabsoomida shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee loo mudeeyay 5-ta bisha Janaayo sanadkan 2022.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka afartii maalmood lasoo dhaafay uga socday Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa murugo looga muujiyey dagaalkii ka dhacay Baydhabo 23-ka Diseember 2022.

"Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa".

"Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed," ayaa lagu soo xiray.

Xudunta xurgufta

Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen taasoo mucaaradkiisa ay ku tilmaameen "mid baalmarsan dastuurka oo aanan haysan wax sharciyad ah".

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Baydhabo isla markaana uu daahfuro shirka dib-u-heshiisiinta. Arrintan waxaa lagu soo qaadey kulan dhacay maalmo kahor.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka iyo mas'uuliyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee kamid ah xukuumadda. Dhinacyadda ayaa isla-qaatay in ku darsiga uusan xal waara ahayn.

Lama ogga waxa war-murtiyeedka shirka Muqdisho uu ka badali doono mowqifka Laftagareen oo ahaa in baarlamaanka maamulkiisa oo kaliya uu meesha ka saari karo muddo kororsiga halka sano ah.

Koonfur Galbeed ayaan kali ku ahayn muddo kororsiga. Madaxwayneyaasha kale ee dowlad goboleedyada ayaa sameystay ku darsi. Ma cadda haddii dhankooda u shaqeyn doonto iyo in dowladda federaalka ay gabi ahaanba diidi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM