Baaq laga soo saarey muranka doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa bogaadiyey heshiiska doorashooyinka ee dowlada federaalka iyo maamulada ay September, 2020 ka gaareen doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay qoraal wadajir ah oo madaxdu kasoo saartey shir ay ku yeesheen Jabuuti, waxay soo jeedinayaan in la dhaqan-geliyo heshiiska iyo in la xormeeyo isbedelka lagu sameeyay nooca coddeynta.

"Marka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda waa wax farxad-gelinaya dadka Soomaaliyeed," ayaa la raaciyey bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Xilli ay ku baaqeen in la fuliyo habraaca ay dowlada iyo maamulada ku heshiiyeen, muranka ka taagan geedi u socodka doorashooyinka ayay cod dheer ku baaqeen in ay wada ogol ka gaaraan daneeyeyaasha.

Guulaha ay ciidamadda dowladda federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika kasoo hooyeen la dagaalanka Al-Shabaab ayay bogaadiyeen wallow aysan tafaasiil dheeraad ah ka bixin guulaha ay ka dhawaajiyeen.

Wadahadalka dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland ayay ku taliyeen in dib loo bilaabo. Hogaamiyeyaasha dalalka gobolka ayay ku booriyeen in ay qaataan doorka fududeynta wadaxaajoodyada.

Is-qabqabsiga doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa ka taagan guddiyada maamulaya oo Villa Soomaaliya ku darsatay xubno taabacsan iyo ciidamadda amniga ee ay ka dejisay magaalooyinka gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 11:51AM

Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore…

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 08:21AM