Baaritaan laga sameeyay Suuqa Bakaaraha, Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia - Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal amni ka sameyaay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Howlgalka oo billowday xilli hore saaka, ayaa waxa uu ka dhacay degmooyinka Howlgwadaag iyo Wardhigleey, waxaana baaritaano ka sameeyeen xaafadaha degmooyinkaasi iyo Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal dhalinyaro u badan, ayaa lagu qabtay howlgalka sida wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Howlgalka waxa uu saamayn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Suuqa wayn ee Bakaaraha, kadib markii ay ciidamada hakad geliyeen dhamaan Gaadiidka dadweynaha, sidoo kalena xireen waddooyinka soo gala halkaasi.

Dadka lagu soo xiray Howlgalka, ayaa la dhigay xarunta Dembi-baarista Somalia ee Muqdishu, halkaasi oo lagu kala ogaanayo cidda xiriirka la leh Al Shabaab iyo kuwa aan denbiga lahayn.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sheegay in baaritaankan lagu xaqiijinayo nabadgalyada Muqdishu.

Warar uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in suuqa lagu tuhmay xubno lagu raad joogay oo katirsan ururka Al Shabaab, kuwaasoo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan suuqa ugu weyne Muqdishu ee Bakaaraha

Xamar, waxaa ka dhacaya Qaraxyo iyo Dilal mudooyinkii danbe soo kordhayay, xilli caasimada dalka ay isku-diyaarnayso doorasha 2016, sidoo kalena ay ka socdaan olole siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM