Baarlamaanka Cusub oo Wasiirka Maaliyadda ku celiyay miisaaniyadda 2017 [DHAGEYSO]
MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada labada aqalk ee Barlamanka cusub ee Somalia, ayaa ku celiyay Wasiirka uu Waqtigu ka dhammaaday Maxa'ed Aadan Ibraahim Fargeeti Miisaaniyadda sanadkan cusub ee 2017-ka.
Wasiirka ayaa sheegay in Qarashka ku bixi doono Golaha Xildhibaanada Aqalka sare aysan ku jirin Miisaaniyada cusub, taasi oo u sababeeyay labo arrimood oo kala ah;
1 - Xubnaha Aqalka sare oo aan hore uga mid ahayn Baarlanaankii hore
2 - In dhaqaalaha dowladda uu aad u hooseeyo, islamarkaana dalka ay ka jiraan abaaro.
Xildhibaanada ayaa diiday in Dhaqaale xumo ay jirto, waxaana ay ka dalbadeen Wasiir Farkeeti inuu soo cadeeyo halka ay wasaaraddiisa ku bixisay dhaqaalihii kasoo galay canshuuraha Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu oo in ka badan 11 Million kasoo xarootay.
"Anaga waxaan rabnaa in naloo cadeeyo halka lagu bixiyay dhaqaalaha dowladda, waxaana ognahay in aan la bixin mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda mudo 7 bilood ah," Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali Axmed oo kamid ah Xildhibaanada Kulankii Shalay ka hadlay.
Xildhibaan Cabdi Cali Axmed, ayaa sheegay in Barlamanka cusub uu ku shaqeyn doono saddexda bilood ee soo socoto miisaaniyaddii 2016-ka, sida Dastuurka uu dhigayo.
Cabdi Cali Axmed ayaa sheegay in ciidamada mushaarkooda ay bixiyaan dowladaha Midowga Yurub iyo Mareykanka, taasi oo ay dheertahay in labo Milyan oo Doolar bil kasta la siin jiray dowladda.
"Dekedda kaliya 11 Milyan oo Doolar ayaa kasoo gasha dowladda, Labo Milyan oo Doolar oo Caash ah ayay Deeq-bixiyaasha ka heshaa bil kasta, waxaa taasi dheer canshuuraha Bariga Muqdishu, ma naqaano waxaasoo lacag ah halka lagu bixiyay," Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali Axmed.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Dakhli dalka soo gala, uu u baahan yahay Fahfaahin , waxaana uu ka codsaday Xafiiska Hanti-dhowr inuu keeno Warbixin uu ku cadayno halka lagu bixiyay miisaaniyadii 2016.
GAROWEONLINE