Baarlamaanka Federaalka oo bilaabay ka doodista mooshinka

Image

December 4, 2014 (GO)- Xildhibaannada baarlamaanka Dowladda Federaalak ayaa  maanta bilaabay ka doodista mooshinka qaar kamid ah xildhibaanadu ka keeneen xukuumadda oo la qaybiyey labo maalmood kahor.

Fadhiga baarlamaanka oo ilaa gelinka dambe socon doona si habsami leh ayuu maanta ku bilowday.

Ku dhowaad 80 xildhibaan ayaa is diiwaan geliyey si ay mooshinka uga doodaan, waxaana ilaa iyo hadda la dhegeystey 12 xildhibaan.

Xildhibaannadu fasax kooban ayey galeen si ay salaadda usoo tukadaan una qadeeyaan. Nasashada kadib ayaa la filayaa in dib laysugu soo noqdo dooduna halkaas kasii socoto.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta qorshuhu ahaa inuu fadhiga baarlamaanka hortago ayaa ka baaqday.

Sabtida soo socota ayaa codka kalsoonida loo qaadi doonaa xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

Sanad kahor ayey ahayd markii baarlamaanka Dowladda Federaalku kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM