Baarlamaanka HirShabeelle oo ansixiyay Gollaha Wasiiradda

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ayaa saaka cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda cusub ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Xildhibaan, ayaa waxaa 77 kamid ah ay u codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, halka 2 Mudane ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Gollaha Wasiiradda ayaa ansixinta kadib lagu dhaariyay goobta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Waare oo uu uga mahadceliyay Baarlamaanka codka kasloonida ay siiyeen Xukuumadda.

Ansixinta Gollaha Wasiiradda ayaa la filayay inay shalay dhacdo, balse baaqatay kadib markii Xildhibaanada ay ku xireen shuruud ah in marka hore la siiyo mushaaraadkooda ka maqan mudo bilooyin ah.

Lama oga in maanta Xildhibaanada uu Madaxweyne Waare siiyay lacagtooda, maadaama ay ka muuqatay niyad-sami markii ay ansixinayeen Wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM