​Baarlamaanka oo Ciidanka u fasaxay Miisaaniyadiisa [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Barrlamaanka Somalia ayaa faxasay bixinta mushaaraadka iyo xuquuqda Ciidamada xoogga dalka, inta ay socoto miisaaniyadda 2017-ka, oo wali hortaallo Gollaha shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka JFS Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in go’aankan lagu safaxayo qaraashaadka Ciidamada uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Gollaha Shacabka.

"Maadaama ay suurtagal tahay inay sii so socoto mudo dheer dooda Miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka, waxa uu Gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka uu si rasmi ah u fasaxay ciidamada xuquuqdiisa ka kooban mushaaraadka iyo raashiinka in laga isticmaali karo miisaaniyadda," ayuu yiri Mahad Cawad.

Gudiga wuxuu ku wargeliyay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Guud inay fududeeyaan mushaaraadka iyo Xuquuda ciidanka qalabka sida Bilaha July ilaa August ee sanadkan si dhamaystiran.

Gudoonka Gollaha Shacabka waxaa la filayaa inuu warqad rasmi ah u diro Wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud iyo Bangiga dhexe, oo lagu amrayo bixinta miisaaniyada loo fasaxay Ciidanka.

Maalinta sabtida ah ee soo socota, ayaa la filayaa in Xildhibaanada Kulankooda uga doodaan Miisaaniyadda 2017 ee dowladda Federaalka Somalia, taasi oo horey Gollaha shacabka u celiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM