Baarlamaanka oo ka doodaya Hindise sharciyeed cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka doodaya Hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha, oo uu usoo gudbiyay Wasaarada tamarta iyo Biyaha.

Gudiga Khayraad iyo Tamarta Gollaha Shacabka, ayaa warbixin ka siin doono hindise sharciyeedka, oo maraya maaraya akhrintiisa labaada, iyadoo la filaya in loo codeeyay kulan kan xiga, sida uu sheegay ham-maamuuska Baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa shir gudoominaya kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada, maadaama uu dallka ka maqan yahay Gudoomiye Jawaari.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarunta Gollaha shacabka, oo la dhigay wadooyinka gala ciidamada xaslinta iyo AMISOM, oo ka feejigan weerar Al shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM