Baarlamaanka oo ka doodaya Hindise sharciyeed cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka doodaya Hindise sharciyeedka Khayraadka Biyaha, oo uu usoo gudbiyay Wasaarada tamarta iyo Biyaha.

Gudiga Khayraad iyo Tamarta Gollaha Shacabka, ayaa warbixin ka siin doono hindise sharciyeedka, oo maraya maaraya akhrintiisa labaada, iyadoo la filaya in loo codeeyay kulan kan xiga, sida uu sheegay ham-maamuuska Baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa shir gudoominaya kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada, maadaama uu dallka ka maqan yahay Gudoomiye Jawaari.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarunta Gollaha shacabka, oo la dhigay wadooyinka gala ciidamada xaslinta iyo AMISOM, oo ka feejigan weerar Al shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM