Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Miisaaniyad cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta ka doodaya markii labaad miisaaniyadda dowladda 2018-ka, taasi oo Wasiiradda Maaliyadda usoo gudbiyay bishii lasoo dhaafay.

Mudaniyaasha Baarlamaanka ayaa akhrinta labaad ku samaynaya Miisaaniyadda, kadibna waxay guda gali doonaan inay cod lagu ansixinayo ama lagu diidayo loo qaado, sida uu Warsidaha Garowe Online uu sheegay habdhowraha Gollaha Shacabka.

Miisaaniyadda cusub ee hortaalla Gollaha Shacabka waxay gaaraysaa 274 Milyan oo Doolar, waxaana sanadkan lagu kordhiyay 14 Milyan oo dheeraad ah, halka tii hore ahayd 260 Milyan.

"Maadaama Aqal sare lagu soo daray Baarlamaanka, waxay noqotay in miisaaniyadda la kordhiyo, si loo bixiyo mushaaraadka Senetarada," ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo GO la hadlay.

Lacagtan ayaa inta badan ka imaanaysa Illaha Dhaqaale ee dowladda ee Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo inta kale ay yihiin deeqo dibadda ka yimaada.

Amniga wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana hakad la geliyay gaadiidka dadweynaha, cabsi laga qabo weerar Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM