Baarlamanka Somalia oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2017

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah waxay meel-mariyeen miisaaniyadda dowladda ay ku shaqeyn doonto saddexda billood ee soo socota.

Gudoomiyaha golaha shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo shir-gudoomiyay Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 141 Xildhibaan.

Beyle ayaa xusay in miisaaniyadda cusub ee 2017-ka 60% ay ka imaaneyso dhakhliga gudaha ka soo xarooda, halka 40% kale ay ka imaan doonaan Deeqaha dhaqaale ee dowladdu ka hesho saaxiibadeeda caalamka.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn ee bixiya Deeqda dhaqaale ee lagu kabayo Miisaaniyada dalka

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Warqado ay ku qoran yihiin Kharashaadka ku baxa xafiisyada dowladda, waxaana aqrin iyo dood kadib ay ansixiyeen miisaaniya Wasaarada maaliyadda.

Dood dheer kadib, inta badan Xildhibaanada madasha ka hadlay ayaa isku raacay in wasiir Beyle fursad la siiyo mudo 3 billood ah, si uu u soo diyaariyo miisaaniyad dhaqaale, oo ku jaan go'an baahida dowladda.

Miisaaniyadda cusub ee 2017 ayaa ah $267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo todobo milyan , Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar doollar).

Jawaari ayaa shaaciyay in xildhibaanada ay meel-mariyeen miisaaniyadda, waxaana lagu wargaliyay wasaaradda maaliyadda inay keento xisaab-xirkii 2015, 2016 iyo 2017.

Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay oo dalku ku jiray kala guur, ma jirin wax miisaaniyad ah, kaddib markii la hakiyay akoonada Wasaaradaha iyo maamulka gobolka Banaadir ay ku lahaayeen Bangiga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM