Baashe oo loo dhaariyey Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa loo dhaariyay Jagadda cusub ee uu 27-kii bishaan uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahai Farmaajo.

Madasha lagu dhaarinayey Baashe ma uusan ku sugneyn ninkii xilkaan laga qaadey ee Ibraahim Iidle Suleymaan, kaasoo gaashaanka ku dhuftay xilka qaadistiisa, islamarkaana ku tilmaamay mid aanan loo marin hanaanka sharciga ah.

Dhaarinta kadib, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay xafladii lagu dhaarinayey Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ayaa tilmaamay in xilka qaadista Ibraahim Iidle ay timid kadib markii cabashooyin badan oo uga yimideen Bulshada rayidka ah.

“Si loo helo nidaam Garsoor oo wanaagsan, waxaan u aragnay inaan sameyno dib u habeyn. Waxaana rajeynaynaa in Gudoomiyaha cusub uu nagala shaqayn doono arrimahaas,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale cadeeyay in dowladiisu ay hadda ku howlan tahay dhisimah Gollaha Adeega Garsoorka, kuwa ask oo uu filayo inay xalin doonan wax walba oo ku aadan cabooshinka dhinaca Garsoorka.

Dhankiisa, gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee dalka Baashe oo isana meesha ka hadlay ayaa dalbaday wadashaqayn, si uu xilkiisi ugu guto sida ugu wanaagsan, isagoo balan qaadey inuu kasoo dhalaalo.

“Waxaan idinka codsanayaa inaad ii soo duceysaan, maxaa yeelay waxaa isaaran mas'uuliyad wayn oo ah inaan u cadaalad fallo dadka. Waxaan filayaa inaan sida ugu wanaagsan uga soo baxo waajibaadkayga,” ayuu raaciyay Gudoomiye Baashe.

Dhaarinta Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee dalka ayaa waxay imaaneysaa iyadoo khilaaf uu ka dhashay xilka qaadista gudoomiyihii hore uu wali taagan yahay, islamarkaana Ibraahin Iidle ku adkeysanayo in aanan xilka laga qaadin.

Dadka taageersan xilka qaadista ayaa waxay ku doodayaan inay sax ahayd dhaarinta Gudoomiye Baashe, xilli sharci-yaqaanada ay sheegayaan in madaxweynaha uusan xilka ka qaadi karin Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyadoo soo jeedin uga imaan Gudiga Adeegga Garsoorka oo hadda dalka lahayn.

Sikastaba, ma ahan wax la saadalin karo talaabada xigta ee uu qaadi doono Ibraahim Iidle Suleyman, maadaama xafiiskiisa loo dhaariyay mas'uul cusub, iyadoo lagu wado in Gudoomiyaha cusub uu xafiiska tago maalinta Berri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM