​Badmaaxayaal kusoo caariyay Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Xeebaha magaalada magaalada Kismaayo, ayaa maanta waxaa ku soo caariyey doon ay wateen shan ruux badmaaxayaal u dhashay dalka Komoros, kuwaasi oo muddo 45 casho ah ku go'doonsanaa biyaha dushooda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobbolka Jubbada Hoose Col. Xassan Kheyre Axmed, ayaa sheegay in dadkaan iyo doontii ay wateen ay haatan gacanta ku hayaan mooliska maamulka Jubbaland baaritaana lagu hayo.

Badmaaxiintan ayuu sheegay inay ka muuqato dhibaato aad u badan  islamarkaana qaybtood aysan hadli karin, wuxuuna tilmaamay inay geeyeen goobo caafimaad si loogu dabiibo.

Khayre, oo la hadlayay VOA, ayaa xusay inaysan ilaa hadda hayn caddayn rasmi ah oo ku saabsan sheegashada nimanka ee dalka Komoros, balse wuxuu caddeeyay inay ka xumaatay doontii ay wateen sidaasi awgeed soo bad-baadisay doon kale oo kalluumaysi.

Dadkan ayaa waxaa ka muuqda rafaad xooggan, mana jirto xog ku saabsan meesha ay u socdeen iyo qorshahooda.

Dhawaan ayay ahayd markii nawaaxiga Kismayo lagu qabto Markab Kalluumaysi sharci darro ah, waxaana taliye Khayre uu sheegay inay ka hishiiyeen Jubbaland iyo dowladdii kasoo jeeday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM