Badmaaxiin u dhashay India oo xoog lagu soo furtay

Image

Somalia:
GALKACYO, Somalia- Ciidamada Nabad Sugida Somalia (NISA), ayaa saaka xoog kusoo furtay 8 Badmaaxiin, oo u dhashay dalka India, kuwaasi oo gacanta ugu jiray koox burcad-badeed ah.

Taliyaha ciidamada Nabad Sugidda Galmudug Saadiq Joon ayaa sheegay in Howlaglka lagu soo furtay Ajaanibta uu ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-huur ee Koofurta Gobolka Mudug.

Badmaaxiinta lasoo badbaadiyay ayaa la socday Markabka Al Kausar, oo 31-kii March laga afduubay xeebaha Somalia, xilli Badeecooyin Ganacsi uu u waday magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbaland.

Markabka iyo labo Badmaax, ayaa laga soo furtay Burcad-badeeda labo maalmood kahor, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel ku dhaw degmada Hobyo.

Falalka burcadda ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha Somalia, waxaana tan iyo bishii hore la qafaashay ilaa dhowr markab.

Tallaabadan ayaa loo aanaynayaa Maraakiibta Jariifka oo dhibaato xooggan ku haya Kalluumaysatada kuwaasoo xilliyo kala duwan keenay cabashooyin la xariira arrintan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM