​BAKOOL: Al Shabaab oo la wareegtay deegaanka Teed

Image

TEED, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa weerartay saldhigyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Teed, oo ku dhaw magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalyahano aad u hubaysan, oo katirsan Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Deegaanka, kadib duulaan culus oo u suurta geliyay inay cagta mariyaan fariisamaha difaaca Ciidamada.

Al Shabaab hawada ka saartey Isgaarsiinta Deegaanka, oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegay in dhowr qof oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalkii saaka halkaasi ku dhex-maray Xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo xoojin ah ayaa lagu diyaariyay magaalada Xudur, kuwaasi oo Saraakiishu ay sheegeen inay ku wajahan yihiin Teed, si ay Al Shabaab uga saaraan Tuulada, oo dadkii deganaa qaarkood ka barakaceen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed, oo ku aadan la wareegista Al shabaab ee Teed.

GAROWOENLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM