​BAKOOL: Al Shabaab oo la wareegtay deegaanka Teed

Image

TEED, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa weerartay saldhigyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Teed, oo ku dhaw magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalyahano aad u hubaysan, oo katirsan Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Deegaanka, kadib duulaan culus oo u suurta geliyay inay cagta mariyaan fariisamaha difaaca Ciidamada.

Al Shabaab hawada ka saartey Isgaarsiinta Deegaanka, oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegay in dhowr qof oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalkii saaka halkaasi ku dhex-maray Xoogaga Al Shabaab iyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo xoojin ah ayaa lagu diyaariyay magaalada Xudur, kuwaasi oo Saraakiishu ay sheegeen inay ku wajahan yihiin Teed, si ay Al Shabaab uga saaraan Tuulada, oo dadkii deganaa qaarkood ka barakaceen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed, oo ku aadan la wareegista Al shabaab ee Teed.

GAROWOENLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM