Balaayiin wax looga qabanayo xaalka Yemen oo la dalbadey

Image
Bini'aadantinimada iyo ammaanka ayaa ah caqabadaha waaweyn ee ku xeeran dadka Yemen.

SANCA, Yemen – Qaramada Midoobay ayaa u baahan doonta ilaa $3.9 bilyan sanadkan si loo caawiyo malaayiinta qof ee ku nool dalka Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani'aadamnimada, ahna Ku Xigeenka Isku-Duwaha Gargaarka Degdegga ah, Ramesh Rajsingham, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Arbacadii in "caqabadda ugu weyn ee hadda jirta ay tahay maalgelinta" si loo caawiyo 16 milyan oo qof oo ku nool Yemen, halkaas oo dagaal sokeeye uu ka socdo in ka badan todoba sano.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan deeq-bixiyeyaasha in ay joogteeyaan - iyo haddii ay suurtagal tahay, in ay kordhiyaan - taageeradooda sanadkan," Rajasingham ayaa sidaas u sheegay golaha amaanka ee Qaramada midoobay.

Waxa uu intaa ku daray in maaliyaddu ay hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay, iyada oo qorshaha wax ka qabashada sannadkii hore la bixiyay oo kaliya 58 boqolkiiba halka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay bishii December uu ku dhawaaqay dhimista miisaaniyada gargaarka ee siddeed milyan oo qof.

"Barnaamijyada kale ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan biyaha, ilaalinta deegaanka iyo adeegyada caafimaadka ayaa sidoo kale lagu qasbanyahay In dib u dhigo ama xiro usbuucyadii maalmaha soo socda lacag la'aan darteed," Rajsingham ayaa yiri.

Marka laga reebo maalgelinta, gaaritaanka bini'aadantinimada iyo ammaanka ayaa sidoo kale ah caqabadaha waaweyn ee gargaarka.

Arbacadii, Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale qeylo dhaan ka soo saartay sii socoshada colaadaha ka socda dalka, iyadoo sheegtay in dhinacyada dagaallamaya ay dardar galiyeen dadaallada ay ku doonayaan in guulo laga gaaro goobta dagaalka.

Hans Grundberg, oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, ayaa u sheegay golaha ammaanka in dhinacyada iska soo horjeeda "ay laba jibaarayaan adeegsiga milatariga".

Dhinacyada, ayuu yiri Grundberg, taa beddelkeeda waa in ay u soo jeestaan miiska wada xaajoodka "xitaa haddii aanay diyaar u ahayn inay hubka dhigaan".

Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa billowday sannadkii 2014-kii markii fallaagada Xuutiyiinta oo ay Iiraan taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca, taasoo keentay in ciidamada Sucuudigu hoggaamiyo ay soo farageliyaan si ay u dhiirri-galiyaan dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dagaalka lagu dilay 377,000 oo qof dhamaadka 2021, oo ay ku jiraan boqolaal si toos ah iyo si dadban ugu dhintay gaajo iyo cudurro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM