Balcad: carruur u dhimatey cudurka Jadeecada

Image

January 21, 2015 (GO)- Siddeed qof ayaa u geeriyoodey in ka badan labaatan kalena way la il daran yihiin cudur Jadeeco loo malaynayo oo ka dillaacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dadka dhintay iyo kuwa cudurka la jiifa ayaa dhammaantood ah carruur, sida uu sheegay duqa Balcad Maxamed Maxamuud Saney.

Saney oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa baaq u direy Dowlada Federaalka, isagoo ka codsaday in halkaas loo soo diro kooxo caafimaad.

Tallaalka cudurada dilaaga ah ee Jadeecadu kamid tahay ee la siiyo carruurta da'doodu shanta sano ka hooseyso ayaan Balcad la gaarsiin lixdii bilood ee ugu dambeeyey, sida ay mas'uuliyiinta maamulka degmadaasi sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM