Bam lagu weeraray Xarun Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland

Image

KISMAYO, Somalia - Qarax ayaa lagu weeraray Xarun Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Koox hubaysan ay Bamka-ka gacan ku weerareen xarun ay leeyihiin ciidmada Jubbaland, oo ku taalla xaafadda Guul-wade. 

Saraakiisha Jubbaland, ayaa waxay sheegeen in Qaraxa uusan geysan wax khasaaro ah, marka laga soo tago inuu bur bur gaarsiiyay qeybo kamid ah Saldhiga Ciidamada Nabad Sugida. 

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa kadib, Ciidamada Jubbaland ay sameeyeen Howlgal ay kusoo qabteen in ka badan 15 Qof, oo looga shakiyay inay wax ka ogyihiin Weerarka.

Ma jirto koox sheegatay Mas'uuliyada weerarkaan balse waxaa uu ku soo beegmayaa xiili la filayo in doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ka dhacdo magaalada Kismayo oo ah xarunta maamulka Jubaland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM