Bam lagu weeraray Xarun Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland

Image

KISMAYO, Somalia - Qarax ayaa lagu weeraray Xarun Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Koox hubaysan ay Bamka-ka gacan ku weerareen xarun ay leeyihiin ciidmada Jubbaland, oo ku taalla xaafadda Guul-wade. 

Saraakiisha Jubbaland, ayaa waxay sheegeen in Qaraxa uusan geysan wax khasaaro ah, marka laga soo tago inuu bur bur gaarsiiyay qeybo kamid ah Saldhiga Ciidamada Nabad Sugida. 

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa kadib, Ciidamada Jubbaland ay sameeyeen Howlgal ay kusoo qabteen in ka badan 15 Qof, oo looga shakiyay inay wax ka ogyihiin Weerarka.

Ma jirto koox sheegatay Mas'uuliyada weerarkaan balse waxaa uu ku soo beegmayaa xiili la filayo in doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ka dhacdo magaalada Kismayo oo ah xarunta maamulka Jubaland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM