Bandow lagu soo rogay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Bandow Caawa ka bilaabanaya kusoo rogay Magaalada Muqdisho isla markaana ku eg maalinta Isniinta ah xili doorashada madaxweynaha JFS lagu wado in maalinta beri ah lagu qabto Magalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka dhawaajiyay in laga bilaabo Caawa Sadax saac (9:00 Pm ) Magaalada Muqdisho laga hirgalinayo bandow, wuxuuna shacabka faray in ay galabta soo adeegtaan.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in bandowga uu soconaya ilaa Subaxa isniinta (6:00 Am ) waxaana maalinta bari ah Magaalada Muqdisho ka Qabsoomeyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

“Sababta Bandowga loo soo rogay waxa ay tahay xaqiijinta ammaanka doorashada Madaxweynaha iyo in laga hortaggo in ay dhacaan falal amni daro” ayuu u sheegay wariye-yaasha goor hore oo sabtida maanta ah.

“Booliska Waxa ay la diidi doonnaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafaddaha qaar ee Muqdisho” ayuu yiri isaga oo cadeeyay in ciidanka booliska heegan buuxa la galiyay, islamarkaana ay xiri doonaan dhammaan wadooyinka caasimadda.

Go’aanka booliska ayaa imaanaya iyada oo musharixiinta u tartameysay xilka madaxweynaha, xildhibaanada iyo marti sharaf kale ay ay ku sii jeedeen Axada garoonka diyaaradaha ee aadka loo ilaaliyo halkaas oo lagu qaban doono doorashada madaxweynaha.

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa horay u balan qaaday in ay beegsan doonto cid kaste oo qayb ka ah doorashada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ka soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo saaxiibada taageera wadankaan ku yaala geeska Afrika waxa ay inta badan weeraro halis ah ka geystaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM