Bankiga Kenya oo xanibey akoonnada xawaaladaha Soomaalida

Image

April 8, 2015 (GO)- Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ayaa xanibey akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab.

Akoonnadan oo tiradoodu dhan tahay 86, waxaa 13 kamid ah iska leh qaar kamid ah shirkadaha Soomaalida ee ka shaqeeya xawilaadda lacagaha.

Af-hayeenka Xawaaladaha Cabdi Cali Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey VOA ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey arrintan, balse aan weli lasoo guudbin liiska shirkadaha iyo shaqsiyaadka akoonadooda la xirey.

Cabdi Cali ayaa tallaabada Kenya qaaddey ku tilmaamey ciqaab wadareed si gaar ah loola beegsadey Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka oo si wadajir ah qoraal usoo saarey ayaa ka digey in la xayiro shirkadaha xawilaadda maadaama nolosha dad badan oo Soomaali ahi si toos ah ugu tiirsan tahay.

Waa markii ugu horreysey ee Kenya xirto akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab, waxayna arrintani kusoo aadeysaa dhowr maalmood kaddib markii Al-shabaab weerar khasaare badan geystey ka fulisey magaalada Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM