Bankiga Kenya oo xanibey akoonnada xawaaladaha Soomaalida

Image

April 8, 2015 (GO)- Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ayaa xanibey akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab.

Akoonnadan oo tiradoodu dhan tahay 86, waxaa 13 kamid ah iska leh qaar kamid ah shirkadaha Soomaalida ee ka shaqeeya xawilaadda lacagaha.

Af-hayeenka Xawaaladaha Cabdi Cali Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey VOA ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey arrintan, balse aan weli lasoo guudbin liiska shirkadaha iyo shaqsiyaadka akoonadooda la xirey.

Cabdi Cali ayaa tallaabada Kenya qaaddey ku tilmaamey ciqaab wadareed si gaar ah loola beegsadey Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka oo si wadajir ah qoraal usoo saarey ayaa ka digey in la xayiro shirkadaha xawilaadda maadaama nolosha dad badan oo Soomaali ahi si toos ah ugu tiirsan tahay.

Waa markii ugu horreysey ee Kenya xirto akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab, waxayna arrintani kusoo aadeysaa dhowr maalmood kaddib markii Al-shabaab weerar khasaare badan geystey ka fulisey magaalada Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM