​Bannaan bax kale oo ka dhacay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Bannaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dibad baxan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qabsoomay taallada Daljirka Dahsoon ee caasumadda Somalia, waxaana kasoo qayb galay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halkaas oo ay isugu taageen boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Muqdishu.

Qaar kamid ah shacabkii isugu soo baxay taalladaas ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin doorashada Farmaajo iyagoo xusay inay ka rajaynayaan wax-qabad wanaagsan oo ay kamid tahay inuu dalka ka saaro dhibaatada haysatay ku dhawaad 30 sano.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo khudbad u jeediyay dibad baxayaasha ayaa soo hadal qaaday arrimo ay kamid tahay maqaamka caasumadda iyo amniga gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo madaxweynaha cusub iyo dhammaan mas'uuliyiinta dalka ugu baaqay in gobolka Banaadir oo ay ku taallo caasumadda waddanka la cadeeyo maadama sida uu sheega daah la saaray xaqiisa siyaasadeed islamarkaana u taaganyihiin  ka maamul ahaan sidii meel loo saari lahaa.

Mudane Madaale ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan amniga iyo kala dambaynta gobolka Banaadir, isagoo ka digay in la xiro waddooyinka magaalada.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu ballan qaaday inay magaaladu noqon doonto mid ka nasata falalka amni darro islamarkaana shacabka looga baahanyahay inay taageeraan laamaha ammaanka gobolka Banaadir.

Bannaanbaxan ayaa yimid xilli Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia uu ku baaqay in shacabku joojiyaan isu soo baxyada islamarkaana laga shaqeeyo caawinta dadka abaaruhu saameeyeen iyo sidii dowladdu u gudan lahayd waajibaadkii loo igmaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM