Bannaanbax ka dhashay amar lagu xirayo Isbitaalka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka HirShabeelle ayaa xabsiga dhigay maamulaha Isbitalka magaalada Jowhar kadib markii uu ka dhaga adaygay amar kasoo baxay wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedkaas.

Ciidamo ka amar qaata maamulkaas ayaa saldhiga u taxaabay xalay Xasan Mahad Cabdi oo ay gacanta ku hayso hay’adda Intersos ee xarunteedu tahay dalka Talyaaniga islamarkaana madax ka ahaa Isbitaalkaas.

Tallaabadaas ayaa keentay inay ka mudaharaadaan shacabka magaaladaas iyagoo saaka socod ku maray qaybo kamid Jowhar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in arrintan tahay waxaan la aqbali kari, waxayna dowladda ugu baaqeen inay ka laabato fikirkaas.

Ujeedka loo xirayo xaruntan caafimaad ayaa wararka uu helayo GO, waxay sheegayaan in laga dhigayo xafiisyada wasaaradaha maamulka HirShabeelle.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulkaas oo ku aadan cabashada laga keenay rabitaankeeda.

Isbitaalka la amray in la xiro waxaa jiifa bukaano qaba cudurka shuban biyoodka halka kuwo kale ka qaataan dowooyin.

kale isbitaalka magaalada Jowhar ee ay hay’ada Intersos gacanta ku hayso ayaa waxaa uu qabtaa adeegyo caafimaad iyadoo inkabadan labo boqol oo bukaano ah loogu sameeyo baaritaano caafimaad.

Isbitaalka magaalada Jowhar ayaa la furay sanadkii 1993dii, waana kan ugu weyn ee ka jira deegaanada maamulkaas hoostaga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM