Bannaanbax rabshad wata oo Boorame ka dhacay

Image

December 1, 2014 (GO)- Dibadbax Rabshad wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal kadib markii ciidamada booliska ee Maamulka Somaliland xireen duqii hore ee degmadaas Cabdiraxmaan Shide Bile.

Boqollaal dadweyne ah oo dhalliyaro u badan ayaa goor hore oo saaka ahayd isugu soo baxay jidadka muhiimka ah ee magaalada iyagoo dhagxaan iyo taayiro ku xirey waddooyinka qaar islamarkaana ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah xukuumadda uu hogaaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Saacdo kadib booliska ayaa ku guuleystey inay kala eryaan dadkii dibadbaxa dhigayey iyagoo qabqabtay ku dhowaad toban dhallinyaro ah iyo weliba saddex weriye oo u shaqeynayey Universal TV iyo Bulsho TV oo isagu ah telefishan maxalli ah.

Saraakiisha booliska Somaliland weli faah faahin kama bixin sababta loo xiray duqii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bile, haseyeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in xarigiisu yimid kadib markii uu warbaahinta ka sheegay ereyo liddi ku ah xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Nov 15, 2014 dibadbax rabshad watey oo ka dhacay degmada Burco loogana soo horjeeday mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland waxaa ku geeriyoodey 3 qof oo rayid ahaa kadib markii ay boolisku rasaas fureen.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM